Hijradii Nabigeena suuban (scw) (Q.3aad)

Rasuukeenii suubanaa (scw)

 

Nabigeenii suubanaa markuu usoo hijrooday (usoo safray) magaalada Madiina, waxaa bilaabatay marxaladii ku dhaqanka dhabta ah ee Diinta. oo 12sano iyo googi ii uu diinta ka fidin jiray Makkah waxay ahayd marxaladii fidinta Diinta iyo dhisida Iimaanka adag ee dhidibaha adag iyo raandhiiska yeelan doona, markii lagaaro xaaladaha dhibka iyo adayga. Waxaana oran karnaa Rasuulku (NNk) wuxuu hayay watigaas laba shaqo oo waaweyn: 1. inuu fidiyo diinta oo uu gaarsiiyo dhamaan dadka dagan Makkah iyo hereereheeda, ama usoo safra magaalada Makkah oo ahayd magaalo barakaysan, oo ay dad-badni u imaan jireen Xajj iyo ganacsi iwm. Taasina waxay ahayd arin dhib badan, oo ree Makkah ayaa waxay wadeen dicaayad xun oo kasoo horjeeda Dacwada Nabiga (NNk) waxayna ku dadaali jireen inay dadka magaalada imaanaya uga hor maraan kana dhaadhiciyaan inuu magaalada joogo nin sixirlow ah oo aad u hadal macaan dadkana diinta ka dhumiya, kuna dira waalidkooda iyo qaraabadooda. 2. iyo inuu si qarsoodi ah u tarbiyeeyo/wax ubaro dadka rumeeya ee qaatay Diinta, maxaayeelay ree makkah haday ogaadaan dadka Diinta raacay wey dhibi lahaayeen-ciqaabi lahaayeen. Iyagoo aan waxba ureebteen hanoqoto; dheleecayn, jirdil, dhaqaale kajarid, qaraabo ku dirid iwm. Sidaa darteed buu Rasuulku (NNk) wax ku bari jiray dadkii rumeeyay guri uu lahaa saxaabi la oran jiray Arqam bin Arqam. Wuxuuna bari jiray Aayadaha cusub ee loosoo dhiibo, Sabarka, dulqaadka, qisooyinkii umadihii hore ee Alle dartii loo dhibi jiray iyo markay sabreen Alle Ajarka uu siiyay iwm. Markuu yimid Madiina xaalkii wuu isbadalay, oo dadkii waxay noqdeen kuwa qaatay Islaamka, aadna u xiisaynaya barashadiisa, ku dhaqakiisa faafintiisa iyo difaaciisa intaba. Waxaana lama huraan noqotay in dadka Diinta ku cusub laga tirtiro dhaqamadii iyo caadooyinkii hore ee ku salaysnaa gaalimada, jaahiliyada, qabiil raaca, laguna abuuro maskaxdooda iyo caqligooda dhaqanka Islaamka ee saafiga ah, siay ugu dhaqmaan uguna daboolaan dhamaan dhinacyada noloshooda oo dhan. sida dhinaca siyaasada oo larabo in awooda iyo raacitaanka oo dhan Rabbi looga hogaansamo ama maamulka, dhinaca cadaalada iyo qawaaniinta (tii Guurka iyo dhaxalka, tii ganacsiga iyo xuquuqdii kale oo dhan) oo larabo in dhamaan laga qaato islaamka oo kaliya. Sidaa darteed buu Masjid Alrasuul noqday madraso ama iskuul ay dadku u yimaadaan maalin kast wax barasho sax ah, ragg iyo dumar yar iyo weyn, siay u xifdiyaan QurŽaanka, ubartaan Xadiiska Rasuulka (NNk) una qaataan dhaqanka Islaamka iyagoo ka tixraacaya dhaqanka iyo hab-nololeedka Rasuulka (NNk). Waxaana Madiina ku soo dagay QurŽaanka inta ugu badan ee qeexaysa dhaqanka iyo axkaanta Islaamka sida suuradah Albaqarah, Aalicimraan, Almaaidah, Alnuur, siay Muslimiinta ugu cadeeyaan axkaanta Jihaadka, mida Xajka, mida Soonka, mida guurka, mida dhaxalka mida akhlaaqda guud iwm. Halka uu QurŽaanka ku soo dagay Makkah badankiisu ku saabsanaa arimo laxariira rumaynta Alle, rumaynta nolosha Aakhiro, war bixinta jannada iyo cadaabka, sheekooyinkii umadihii hore ee beeniyay nabiyadii loosoo diray iyo cirib xumadii ku dhacday. Waxaa kaloo Hijrada ka dhashay in lahelay markii u horaysay dhul Muslim leeyahay iyo Bulsho Muslim ah oo qofkastoo Muslim ahi ku helayo nabad-galyo, xasilooni, ilaalin iyo xaquuq dhamaystiran, waxaana waajib noqotay in qofkasta oo Islaamka qaataa uu usoo hijroodu Madiina, kana soo cararo dhulka gaalada ee uusan nabad-galyo iyo xoriyo diineed ku helaynin. Markii sanadkii 8aad ee hijrada laqabsaday Makkana ee caasimada u ahayd gaalada, waxaa dhamaaday waajibkii hijrada/in Madiina loosoo hijroodo, maadaama ay Makka iyo magaalooyinkii kalaba noqdeen kuwa uu Islaamku ka taliyo loogana dhaqmo. Balse waxaa jirta hijro kale oo waajib kuah muslimiinta oo dhan markasta iyo meelkasta oo ay joogaan, waana inay ka hijroodaan/ kafogaadaan wuxuu Rabbi (swt) xarrimay oo dhan, una leexdaan dhinaca wuxuu Rabbi (swt) inoo baneeyay oo kaliya. Dhinaca kale Hijradu waa arrin soo jireen ahayd oo Nabiyaashii uu Rabbi (swt) soo diray badan-bkoodii way ka haajireen dhulkoodii ama meelihii ay ku shasheen, markii labeeniyo ama dhagar iyo dhib loo maleegay. Halkaana waxaan ka arkaynaa in Diinta Rabbi (swt) ayna aqoonin wax layiraahdo Qabiil, qaraabo raac ama inaadeersi midnaba, balse Iimaanka iyo qaadashada Diintu ay tahay arin ku xiran qofka: garashadiisa goaankiisa niyad adaygiisa iyo nasiibkiisa uu Rabii (swt) waa fajiyay khayrka Hanuunka/ garashada Jidka Rabbi (swt). Oo waxaan arkaynaa Nabigeena (NNk) waxaa beeniyay oo shirqool dil ah u maleegay dadkiisii iyo qoyskii uu ka dhashay, waxaana soo dhaweeyay oo rumeeyay aadna u difaacay ree Madiina oo aan ahayn ree adeeradii. Intaana waxaaba kasii daran inay ree Makkah/ qabiilkii Rasuulku (NNk) marar badan kusoo duuleen Madiina iyagoo raba inay soo dilaan Muxammad (NNk), siay u dabar gooyaan diintiisa, halka ay ree Madiina hurayeen naf iyo maalba siay u difaacaan Muxammad (NNk) iyo diintiisa. Hadaba hanuunka Rabbi (swt) waxaa qaata qof ku dadaalay inuu Xaqa baaro, raadiyo oo caqligiisa ka shaqaysiiyo siuu u kala saaro Xaqa iyo baatilka, runta iyo beenta, Rabbina uu u gartay.

 

Lasoco q.4aad ee xusuustii Hijradii nabigena (scw)

 

Axmad Cabdulahi,