Xasuustii Hijradii Nabigeena scw (scw) ((Q.4aad))

Rasuukeenii suubanaa (scw)

 

Hijradii Nabigeenu waxay ahayd dhacdo aad muhiim u ah, oo ayna suuragal ahayn inay katiranto maskaxda iyo xusuusta aadamaha inta uu aduunku dhisanyahay. Waxaan wada ognahay in taariikhda hada aduunka laga isticmaalo ay tahay taariikhdii dhalashadii Nabi Ciise calayhi salaam. Halka ay muslimiintu isticmaalaan taariikhdii uu soo hijrooday nabigeenu (scw). Taasina waxay ku timid in geeridii Rasuulka (scw) kadib ay muslimintii is waydiiyeen taariikhdeen isticmaalaa maadaama aan nahay umad kassoocan umadaha kale? Waxaana lasoo jeediyay fikrado fara badan, oo ay kamid ahaayeen in tariikhda muslimiinta laga soo bilaabo dhalashadii Nabiga (scw). Waxaana laysku raacay udanbayntii in taariikhda muslimiinta lagu saleeyo Hijrada Nabigeena (scw), taasina waxay ahayd fikradii Cumar ibn Khataab Rabbi haka raali noqdee. Siaan u ogaano arintaa qiimaheedana waa inaan xasuusano, in waqtigii Rasuulka (scw) uu mar badan soo dagay QurŽaan waa-faqsan fikrado uu soo jeediyay Cumar Alle haka raalli noqdee. Dhinaca kale Cumar wuxuu lahaa naanays layiraahdo (Alfaaruuq) oo macneheedu yahay kii kala saarayay Xaqa iyo baatilka, wuxuuna ahaa nin markuu jid qaado uu shaytaanku jid kale qaadi jiray. Waxaana arkaynaa sida uu Rabbi (swt) u waa fajiyay muslimiinta inay ku sar-jaraan taariikhdooda; kor u kicii iyo horumarkii Diinta, ee ayna ku xirin dhalasho qof, maxaa-yeelay Diinta ayaa ka weyn qof kasto xattaa Nabiyaasha. Maadaama ay Diintu tahay Nuurkii uu Rabbi (swt) Samada kasoo dejiyay, joogaysana waligeed, halka ay Nabiyaashu dhima-nayaan markuu cumrigoodu dhamaado, gutaan waajibkii fidinta Diinat. Dadka qaarkoodna waxay is weydiin karaan taariikhda ay muslimiintu haystaan Nabigu nooma sheegin miyaa? soo Nabigu waxwalba nooma caddaynin? Taas jawaabteeduna waxay noqonaysaa inan ogaano inuu Nabigu (scw) nabaray waxwalba oo Diin ah oo Rabbi (swt) aan ugu dhawaanayno. Laakiin waxyaabo badan oo kusaabsan habaynt nolosha aduunka iyo horumarinta dhaqanka umada waxaa loo dhaafay umada iyo culimadeedu inay ka fikiraan, iyagoo kashidaal qaadanaya Tiirasha Diinta–dhidibaheeda malliiicaanka ah, iyo ilaalinta maslaxada Ummada. Waana mida ay Saxaabadii sameeyeen (wada tashi iyo afkaar wanaagsan soo jeedin) u danbayntana laqaato fikradaha mida ugu qiimaha iyo faaiidada badan, waana mida uu Rabbi (swt) QurŽaankiisa ku adkeeyay (Shuuraa ama wadatashi). Dhinaca kale Hijradu waxay u tahay qofkasta oo Rabbi uu ku sharfay inuu Diinta Islaamka qaato, Nicmo aad u weyn, maxaa-yeelay, bal kafikir hadii ay gaaladii ree Makkah ee Nabi Muxammad (scw) u diyaariyay shirqoolka iyo dhagarta guulaysan-lahaayeen, maanta adigu maxaad caabudi lahayd bay kula tahay?? Ma loda (sida Hindiga oo kale) mise xidigaha, mise geedaha mise maxay?? Isagoy inoo cadahay in rumaynta, raacida iyo jacaylka Nabi Muxammad (scw) ay tahay jidka kaliya ee lagu gali doono janada, (Ilaahay hanaga dhigo dadkeedee). Hadaba soo aad uma haboona qofkasta oo muslim ahi inuu siwanaagsan u xasuusto dhacdadii hijrada iyo qiimaha ay u leedahay isaga. Kadibna uu Rabbi (swt) uga mahad celiyo inuu Nabi Muxammad (scw) ka bad-baadiyay dilkii iyo dhagartii gaalada, kuna guuleeyay dhibkii iyo khatartii hijrada? U danbayntii waxaan xasuusin lahaa umada Somaliyed saddexdii dhidib ee uu Nabi Muxammad (scw) ku dhisay bulshadii Muslimka ahayd ee ugu horaysay ee uu ka dhisay Madiina. 1. wuxuu dhisay Masaajid noqday astaanta guud ee umada; goobta, cibaadada, wax barashada, wada-tashiga iyo wax wada qabsiga, marti gelinta iwm. U fiirso dhamaan way ka qayb galeen dhismaheeda iyo dayac tirkeeda, dhamaana way kawada faaiiday-sanjiren, waxayna u noqotay astaantii khayrka, wanaaga midnimada iyo walaalimada. Waa dantii guud, waa wixii umada midayn lahaa. Taasina waa mida aan inagu hadaan nahay Somali dhuminay, kidifnay, kala tuuray, aadna inoogu adkaatay sidaan u soo ceshan lahayn. Waxaana xaqiiqa ah in umadii dhumisa midnimadeeda, wadajirkeeda iyo danteeda guud, ay taariikhda ka baxayso, oo ay dabar goŽayso, maxaa-yeelay umadaha aan maqallay inay dabar goŽeen, qassab ma aha inay dadkoodii dhamaadeen, ee waxaa ka dhumay Dhaqankii garashadii, wadajirkii, magicii iyo dantii guud. 2. wuxuu walaaleeyay Nabi Muxamad (scw) saxaabadii kala qaiilada iyo kala deegaanka ahaa, si loo helo bulsho is jecel, is qadarisa, is kaalmaysa, oo aan is yasaynin, is xasdaynin; siay u yeelato midnimo, una dhisato dandeeda guud una yeelato midnimo adag. Waana mida Somalida maanta ka dhuntay, oo waxaa lawaayay dhaqamadii is jacaylka, is qadarinta, is kaashiga, oo aan ku badalanay is nac, kala carar, qaran dumin, midnimo kidif. Intaana waxaa inooga sii horaysay nidaam qabli ah oo ku dhisnaa is yasid, is muquunin iyo isu tabar sheegasho; inay qabiiladu kala faanaan, xoogna isku muquuniyaan. (ninkii taaglaa tahara goosta), taasina waa mida noo horseeday burburkan iyo jabkan. Hadii aan rabno inaan soo noolayno jiritaankeenii midnimadeenii wadanoo-laanteenii waxaa lama huraan ah, inaan raadino jacayl iyo walaalimo guud. Hadaaan taa gaari waynana halka ugu hoosaysa ee laga billaabi karo waa in lahelo is maqal, isu dulqadasho, is qadarin, wada tashi ku dhisan sinaan iyo ilaalinta danta guud. 3. wuxuu sameeyay Nabi Muxammad (scw) Heshiiskii Madiina ee lagu nabadeeyay umadihii wada deganaa magaalada Madiina ee dariska ahaa; Muslimiin, yahuud iyo kiristaan in taba. Waana arin ay maanta umada Somaliyeed aad ugu baahan-tahay, maxaa-yeelay waxaan nahay shacab aad daciif u ah, oo Cal, Dagaal, dhiigdaadin iyo burbur ay dullaysteen. Lehna daris fara badan oo aad nooga tabar iyo taagero badan, kuna farxi lahaa inaan aad isu sii dillo, usii kala cararo siina baabaŽno. Diinteena Islaamkuna waxay mar-kasta ku fidaa ku xoogaysataa meesha ay nabada iyo dagenaantu ka jirto. Waxaan Ilaahay ka baryi (swt) inuu Umada Somaaliyeed usoo celiyo Diintoodii, walaalimadoodii, midnimadoodii, nabadoodii Aamiin…. Aamiin… Aamiin…

Axmad Cabdulahi, Germany, axmad72@hotmail.com

 

Lasoco q.5aad ee xusuustii Hijradii nabigena (scw)

 

Axmad Cabdulahi,