War caddaaday
By Sh. Xasan Maxamad Ibraahim (Abuu xassaan)

25 Bari ka dib dilkii Dr.Axmad Xaaji C/raxmaan waxay beesha Leelkase si dagganaan iyo isku kalsooni ku jirto shaaca uga qaadday in ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee sida tooska ah uga amar qaadata Axmad Cabdi Godane ay ka danbeysay dilkii Dr. Axmad.

Beeshu bayaanka ay arrintaas ka soo saartay oo ay ku saxiixnaayeen dhammaanba intii wax u goyn jirtay waxay ku sheegtay inay natiijadaas ku gaadheen baadhitaan dheer oo madaxbannaan oo ay sameeyeen guddi beeshu arrintaas u xilsaartay. Sidoo kale waxay beeshu bayaankaas ku xustay in shabakaddii sheekha dilkiisa ku lug laheyd la hayo in badan oo ka mid ah, intii kalena lagu raad joogo. Natiijadaas beesha Leelkase soo saartay waxay u marag fureysaa natiijo tan la mid ah oo ay soo saareen culimadii joogtay goobtii sheekha lagu dilay, in labada natiijo is waafaqaanna waxay daliil u tahay in xogtii lagu dhisay ay wax badan ka mideysnaayeen.

Culimada sida deg degga ah dilka sheekha shabaab dusha uga saartay waxay wax ku dhiseen male-awaal ma aheyn, naceyb ay ururuka Al-shabaab u qabaanna kama keenin ee nabarkani wuxuu ahaa mid ka yimid meel laga filayay oo wata dhammaanba astaamihii u gaarka ahaa dilalka qorsheysan ee ururka Al-shabaab, waxeyna culimadu ogaayeen hanjabaado badan oo diktoorka uga imanayay ururka Alshabaab.

Intaas waxaa dheeraa isla maalintii sheekha la dilay iyo maalintii ku xigtayba waxaa culimadaas si toos ah u soo gaadhayay macluumaad biyo kama-dhibcaan ah oo si toos ah farta ugu fiiqay kooxda amniyaadka ee Al-shabaab iyo qaylodhaan loogu digayo intooda kale oo loo sheegay in laftooda lagu soo maqanyahay! Waxaana lagula taliyay inay waddanka ka dhoofaan ama naftooda difaacaan.

Dadka qaarkood hadalka culimadu wuu ka soo booday oo waxay tibaaxeen in degdeg ku jiro, waxeyna jecleysteen in qolyo kale oo in la tuhmo iska sahlantahay eedda loo leexiyo sida PIS oo bulshadu u taqaanno Ashahaado la dirir. Dadkaas qaybo ka mid ah way muuqataa in niyad wanaag arrintaas u geeyay oo ay qaadan waayeen dad wadaaddo sheeganaya oo muujisanaya inay diinta koryeeliddeeda u dagaalama yaan ayaa dilay Dr. Axmad oo ilaa carruurnimadiisii u taagnaa faafinta barashada iyo koryeelidda diinta islaamka.

Waxaa sidoo kale ay suureysan waayeen in Al-shabaab colaad xadkaas gaadhsiisan u qabaan culimada soomaaliyeed ilaa xad ay gaaladii sii joogtay iyo tii duullaanka soo aheydba iska daayaan oo ay koox dooxato ah u diraan Dr. Axmad Alle ha u naxariistee oo Muqdisho u jira kun iyo dhowr boqol oo km iyada oo gaaladu joogto meel xabbadooda Ak-ga ahi gaadho.

Dadkaas waxaa loogu garaabi karaa in ayna ururka Al-shabaab u laheyn aqoonta ay u lahaayeen culimadii dilka Dr. Axmad (Alle ha u naxariistee) dusha ka saartay. sidoo kale waxaa loogu garaabi karaa in ayna xogta culimadu ka hayeen si gaar ah dilka diktoorka ayna haynin, waxaanse dadkaas loogu garaabi doonin inay ku qanci waayaan xaqiiqadan sidii qorraxda u caddaatay, iyo inay wax ka baddali waayaan fikraddii ay ururka Al-shabaab ka heysteen ka dib markii ay u caddaatay in ururka Al-shabaab culimada laayo, walina ku sii indho-cadyahay layntooda!, waxaana markaas muuqan doonta in ay hawo raac ahaayeen ee ayna xaq iyo xog raac midna aheyn!.

Dadkaas xog la’aantu ka heysay ururka Al-shabaab ee markii horeba culimada ka digeysay moodayay inay ka badbadin iyo koox necbeysi wadaan waa inay ka garaabaan in culimadu wixii ay ka hadleysay uga aqoon badneyd cilmi ahaan, xog ahaanna uga macluumaad badneyd, waana iney gartaan culimada waxa loo beegsaday inay aheyd in la aamusiiyo, markii hanjabaaddii lagala quustayna loo gudbay in xabbad lagu aamusiiyo; si aanay uga hadlin marin habowga diimeed ee ay naftooda iyo ummaddaba ku wadaan.

Dadka qaar kuma gaabsanin inay ka shakiyaan in ururka Al-shabaab ka danbeeyeen dilka Dr. Axmad ( Alle ha u naxariistee) ee waxay isku dayeen inay marin habaabiyaan beeshii sheekhu ka dhashay iyo ra’yilcaamka bulshada oo dhan, waxeyna si toos ah u tilmaameen in dilka sheekha dad kale ka danbeeyeen ilaa ay qaarkood la gaadhay aniga ayaa garanaya ciddii Dr. Axmad dishay, meesha ay joogaanna waan ogahay!!.

Dadka sidaas u hadlayay way iska caddeyd inay Al-shabaab afhayeenno u yihiin oo gar iyo gardarraba ay doonayaan inaan ururkooda kiisku soo galin, dadka qaarna waxay la aheyd marin habaabintaas ay sameynayaan inay aheyd wax la maleyn karo ama meesha ku jiri kara, waxaase yaab lahaa sida ay dadka aan goobjoogga aheyn warkiisa wax uga soo qaadeen wadaaddadii goobjoogga ahaana hadalkooda wax uga soo qaadi waayeen.

Dadka si ay tuhmada shabaab uga fogeeyaan meelaha kale faraha ku fiiqay caddaalad darrada ka sakow waxay aad isugu howleen in dhiiggii Dr. Axmad loo qabsado cid aan aheyn kuwii dilay haddii la doono haba kallifto in beelo soomaaliyeed isugu halaagsamaane!, si cad ayeyna hadalkooda uga muuqatay inay jecelyihiin in reero isu layaan dilka Dr. Axmad, waxayna sheegeen in niman reer hebal ahi ay diktoorka dileen, hadalkaasina macne aan aheyn reerahaas ka aargoosta ma laheyn.

Waxaa runtii qaddrin iyo xushmeyn badan mudan sida ay beesha Leelkase uga dhaga-adeygtay gardarrada iyo xadgudubka la damcay in la galiyo ee ay uga bogatay baadhitaanka ciddii ka danbeysay dhab ahaan dilka Dr. Axmad, arrintaasina waxey beeshu ku badbaadisay dhiig badan oo xaq darro ku daadan lahaa .

Waxaa sidoo kale wax aad loo qaddriyo ah sida ay beeshu dhagaha uga fureysatay dadka naftood hafarka ah ee aan shabaab iyo cid kale midna agtooda waxba ka goynin ee isku dayay inay Al-shabaab wakiil ka noqdaan ee is been farriinka ku doonayay inay beesha duuflaaliyaan. Aad iyo aad waxaa iyana wax loo ammaano ah sida ay beeshu u soo koobtay cidda ay u haysato dilkii sheekha ee ayna u eedeynin cid kasta oo shabaab taageerta ama waxa ay wadaan ku jecel shar iyo khayrba. Haddii cidda beeshu ay jawaabta ka dalbatay ee dilka Dr. Axmad sida tooska ah uga danbeysay ay damacdo inay aamus kaga jawaabto ama ay kuwo kale oo naftood hafar ah ka hadliyaanna beesha waxaa la gudboon inay tallaabooyin kale qaaddo oo ay ku raadineyso dhiiggii Dr. Axmad, wayna ila tahay in tallaabooyinkaasi u diyaarsanyihiin, dhiiggoodii siday u raadsan lahaayeenna loo tilmaami maayo.

Intaas ka dib haddii ay sida qorraxda u caddaatay in ururuka Al-shabaab uu ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Dr. Axmad ee ku soo beeg may bishii xurmada laheyd ee muxarram isaga oo caashuuraa soomman, salaaddii subaxna soo tukaday oo waliba ku daahay adkaartii salaadda ka dib, sow sida qorraxda iyana uma caddaanin in waxa ururka Al-shabaab afka ka sheeganayo iyo waxa uu dhab ahaan qabanayo faraq weyn u dhexeeyo?

Sow dadku xaq uma laha inay dhahaan: dadkii laga filay inay dilaan Dr. Axmad waa cid kasta oo cadow u aheyd risaaladii uu xanbaarsanaa ee hirgalinta iyo faafinta diinta islaamka, waana tan keentay shabaabka laftoodu inay isku dayaan inay tuhmada u weeciyaan Ashahaada la dirirka, haddaba waa maxay faraqa u dhexeeya qolada Ashahaada la dirirka loo bixiyay iyo Al-shabaab mar haddii ay isku hawl hayaan, isku hadafna tooganayaan, isku ujeeddana yihiin. Ninkii Ashahaado la dirir looga baqayayna ay iyagu dilkiisa uga hormarayaan?

Sow xaq ma aha in la isweydiiyo waxa iska galay jihaadka Al-shabaab dadkii kale ka xigsaday iyo laynta culimada?. Sow gar ma aha in la is weydiiyo tolow adduunka waxa ku nool ma Dr. Axmad ayaa u shar badnaa, mise ujeedada diktoorka loo dilayba waa in la soo afjaro wanaag gii uu ummadda u hayay? .

Sow gar ma aha in la is weydiiyo waa maxay shareecada Al-shabaab u halgamayo hirgalinteeda haddiiba uu baabi’inayo kuwii shareecada barashadeeda iyo faafinteeda ku cirroorbay ee xabsi iyo dhib kaleba u soo dhammeystay?. Sow ma caddaanin in ururkani uu dhiigga muslimiinta oo dhan xalaashanyo mar haddii uu culimadiiba ka billaabay?. Haddii uu dhiigga muslimiinta xalaashadeyse muxuu kaga duwanyahay dhinaca manhajka khawaarijtii Cali ibni Abii daalib dishay isaga oo salaad subax u socda?.

Sow ma mudna in la isweydiiyo asalka ay ku qotonto colaaddan xad dhaafka ah ee Al-shabaab u hayaan culimadii soomaaliyeed ee Ilaahay ummadda ku anfacay?. Sow ma soo if baxeyo in ururkani si muuqata oo aan geed loogu soo gabbanin ula dirirayo manhajkii salafka iyo ciddii xanbaarsaneydba?.

Culimada ururkani beegsanayo ee uu cay, aflagaaddo iyo laynba ku wado waa kuwii mareykanku fagaare kaga hadlay inuu col la yahay, liiska madowna uu galiyay. Haddaba sow marka in la isweydiiyo ma ha waa maxay sababta keentay in ururkan madaxdiisa iyo Mareykanku isku ujeeddo noqdaan?, walise ma la arkay labo isu cadow ah oo isku yool tooganaya, isku ujeeddana xaqiijinaya?.

Dilka Dr. Axmad ( Alle ha u naxaxariistee) ee ku caddaaday ururka Al-shabaab wuxuu furayaa su’aalo fara badan oo dhammaantood keenaya in dib loo akhriyo ujeedooyinka ururka Al-shabaab, tabihiisa iyo howlaha uu qabto intaba; si ay u caddaato xaqiiqadiisa dhabta ah, waxaana ila habboon inaan laga eegin dhinaca khaladaadka manhajka ah kaliya ee lagu daro in la barbar dhigo ururo sidan oo kale dadkii iyo culimadiiba u baabi’iyay oo ugu danbeyntii ay cadaaddatay inay ajandayaal qarsoon fulinayeen sida ururadii Aljeeriya ka dagaallamayay qaarkood.

Sidoo kale xaqiiqadan maanta soo baxday waxay ku kallifaysaa dhammaanba beelaha soomaaliyeed ee ururkani nin doorkoodii madhiyay culimao iyo caamaba inay iyana dadka ururkaas kaga maqan dhiiggoodii baadi goobaan, guddiyana u saaraan baadhitaanka gacan ku dhiig layaashii dadkoodii laayay, beel walbana ay liis gareysaa dadkii dilalka qorsheysan lagaga dilay ama qaraxyada lala beegsaday, gar bayna u leeyihiin inay dadkii laga dilay dhiiggoodii dalbaan, cidii uu galana sharciga la tiigsadaan.

Waxaa iyana dilkani daaha ka qaaday in culimo badan oo soomaalidu dhowraneyso dibad iyo gudaba ay hadaf u yihiin ururka Al-shabaab oo ay la gaadayaan inay meel dagan ka helaan; sidaas darteed culimada soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ku sabraan dhibka ku soo gaadhaya waddadii nabiyada sidii ay horaanba ugu soo dulqaateen dhibaatooyinkii xabsi, garaac, sumcad ka dilid iyo toogasho lagu xukumoba lahaa, waliba waa inay intaas ku daraan inay si weyn uga taxaddaraan inay hadaf sahlan u noqdaan kooxaha dooxatada Al-shabaab.

Ummadda soomaaliyeed gaar ahaan ardadii wax ka baratay culimada maanta la ugaadhsanayo waxaa xaq loogu leeyahay inay culimada af iyo addinba ugu hiiliyaan, dhiiggooda iyo sharaftoodana difaacaan. Dhallinyarada loogu sheekeeyay jihaad baad galeysaan ee shaqada looga dhigay inay culimadii wax bartay laayaanna ( ragga loo hayo dilka Dr. Axmad waxaa ka mid ah kuwo arday ka ahaa jaamacaddii uu aasaasay!!?) waxaa la gudboon inay waddadaas khaldan ka towbad keenaan inta ay goori goor tahay geeriduna ayna imanin.

Xasan Maxamad Ibraahim (Abuu xassaan)

xasanyare@msn.com