GAROOWE : Aan nolosha ku xusno Allaha Xafidee, Sheekh Cabiqaadir Nuur Faarax
Posted to the Web Jul 25, 08:51

Sheekh C/qaadir  Nuur Faarax
Garoowe:-Allaha xafidee, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax waxa uu ka mid yahay Culimada waawayn ee Soomaaliyeed ee sida qotada dheer diinta u bartay laguna qadariyo, wuxuuna yahay nin da'a ah oo si wayn loo qadariyo soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland oo ay u badan tahay dacwadiisa, wuxuuna caan ku yahay ka shaqaynta ammaanka iyo horumarka dalka.
 
Sheekh Cabdiqaadir Nuur, waa nin si cad u caddeeya mawqifkiisa ku salaysan diinta Islaamka, waa nin aan hadalka munaasibka ah ee xaqa ah la gaban, waxaana uu had iyo jeer Ummada u sheegaa in ay ka shaqeeyaan maslaxadooda iyo horumarkooda si ay u ahaadaan Ummad ay u nabad-gasho diintooda, dalkooda iyo dadkooda.
 
Maxaa gaar ah oo lagu xasuustaa Sheekha
 
Skheekh Cabdiqaadir, waxaa si wayn loogu xasuustaa xilligii uu maamulkii hore ee uu hogaamin jiray  M.wayne Gen.Cadde Muuse ay liicday awoodii dawlada oo gabi ahaanba la waayay wax laamo ammaan ah oo shaqeeya sanadadii 2007-2008, ayaa Caasumada Puntland ee Garoowe waxaa soo food-saartay ammaan-xumo tii uu darnayd abid kaddib markii ciyaalka magaalada ay iyaku isku ugaarsadeen oo ay isku laayeen xaafad-xaafad iyo koox-koox kaddibna ay bilaabeen in ay weeraraan oo ay boobaan goobaha ganacsiga, ayaa Sheekhu waxa uu bilaabay olole uu Ummada reer Garoowe ku wacyigalinayo in ay ka shaqeeyaan Nabadda oo ay ka hortagaan cid-kasta oo wadda ammaan-xumida  oo aan cidna wax ka sugin.
 
Sheekha oo ay waqtigaas la shaqaynayeen Guddi aad u dadaalay ayaa waxa ay bilaabeen in ay qoraan ciidamo isugujira kuwa dawlada iyo kuwo rayid ah, dabadeena waxaa loo qoray mushaar joogto ah, mushaarkaas ayaa laga uruurshay dadka deegaanka iyadoo guri-guri loogu qoray lacag.
 
Guddiga Sheekhu uu madaxda u ahaa ayaa waxay xaafadaha magaalada ka sameeyeen saldhigyo boolis (Community Police), ku waas oo la dagaalamay ciyaalkii fawdada ka waday magaalada, waxaana la xir-xiray in badan oo isugujira  kuwa caanka ah iyo kuwa fawda-wadayaasha ah, qaarkoodna waxaa loo dhaadhacshay xabsiga Boosaaso.
 
Sheekhu, waxa uu ti toosa calaaqaad wanaagsan ula leeyaahay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada laga bilaabo Issimada iyo dhamaan dadka waxgaradka ah oo dhan haday ahaan lahaayeen aqoonyahan, dhalinyaro iyo odayaal dhaqameedba, waxaana uu had iyo jeer kala xaajoodaa arimaha bulshada oo ay ugu horayso ammaanku.
b13_308131179.jpg
Suldaan Saciid iyo Skeeh Cabdiqaadir
  
Sheekh Cabdi qaadir, waxa u si wayn wakhtigiisa u siiyaa arimaha suluxa isagoo ku seelaya shareecada Islaamka,waxaana  shaku ku jirin in cid-kastaaba ay ku qanacdo xukunkiisa ku salaysan shareecada Islaamka ee eexashada lahayn  ee xaqa ah.
 
Sheekha, oo ay la shaqeeyaan had iyo jeer Culimo lagu wada kalsoon yahay aqoon diimeedna leh oo ka mid yihiin Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Sheekh Aw-axmed Xaji Yuusuf, Sheekh Maxamed Daahir iyo Culimo kale ayaa in badan waxa ay xakameeyeen arimo khatar ah oo deegaanka soo food-saaray kadib markii beeluhu ay dhexdooda dad iska dileen dabadeedna la isku fahmi waayay ayaa Sheekha Culimo uu horkacayo ay galeen xaajada iyagoo ku salaynaya xukunkooda shareecada Islaamka ayay riddeen xukun xaq ah oo isugujira qisaas, mag iyo masaalaxaba, dhabtii dood badani kama dhicin ee waa lagu wada qancay haday ahaan lahayd qisaas iyo magba, waxaana shaki ku jirin in xaajadu ay cid kale ku adkaan lahayd ayna yeelan lahayd raad colaadeed oo ballaran.
Sheekh Cabidiqaadir, waxa uu tagaa goob-kasta waxaana uu Ummadda ku baraarujiyaa ka shaqayanta ammaanka iyo wadajirka Ummadda, waxaan xasuustaa ciyaar kama dambays ahyd oo dhex-maraysay gobolada Nugaal iyo Sool oo ay qaban-qaabisay hay'adda PDRC in sheekha laga codsaday in ay uu ka qayb-qaato si ay dhalinyaradu aysan u samayn wax fawdo ah maadaama uu Sheekhu yahay nin si wayn loo sharfo.
hos____950155392.jpg
Sheekh Cabdiqaadir iyo Sheekh Yaasiin oo wax ka furaya xarun Islaami ah
 
Sheekha waxa uu wax hirgashaa Mashaariic farabadan oo gogol dhig u ah dacwada Eebe, waxa uu halkan oo ah Caasumada duleedkeeda wax ka furayaa sida aad ka aragtaan sawirka xarun Ismaami ah oo ay maalgalinayso dawlada Kuwait ayna hirgalinayso Jimciyda AL-MANHAL.
lacag1_776516184.jpg
Sheekh Cabdiqaadir oo la wareegaya lacag dibada laga keenay oo masaakiin loogu talagalay
 
Sheekh Cabdiqaadir Nuur, ayaa waxa uu caan ku yahay taakulaynta dadka dhibaataysan ee isugujira dadka dhimirka la'a, indhoolayaasha, dadka soo barakacay iyo dadka deegaanka sida kuwa lixaadkoodu uu dhiman yahay iyo kuwa saboolka ah, wuxuuna Ummada Puntland ee ku nool dalka iyo dibadaba ku dhiiriyaa in la caawiyo dadka dhibaataysan ee aan la hayn cid si gaar ah u caawisa hadday ahaan lahayd qaraabo iyo cid kalaba.
 
Sheekha, waxa uu dadaal dheer u galay in dadka dhimirka la'a ee uu gacanta ku hayo Ururuka Nasrullaah ee ay maamusho Xaawo in ay helaan daryeel joogto ah iyo hoy ay ku noolaadaan, wuxuuna in badan Sheekhu ku wareejiyay maamulka dadkan dhaqaale  ay ku soo hagaajiyeen dadka dibada ku nool oo iyaku markasta caawiya kaalina ka qaata dhibaatada noocyada kala duwan ee ka jirta dalka.
 
Sheekh Cabdiqaar Nuur, waxa ka mid ahaa ama ahaa qofka kowaad ee wax ka dhisay Masaajidka wayn ee HUDAA  oo ay ku baxday lacag badan, waana Masjid si wayn loogu cibaadaysto oo leh qaybo badan oo isugujira madaaris iyo meelo badan o diinta lagu fidiyo.
msj_874613411.jpg
Sheekh Cabiqaadir, Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Maxamuud oo Muslimka ugu baaqaya in ay ka qaybqaataan dhismaha Masjidka AL-RAXMA
 
Sheekha iyo Culimada kale ee Sheekh Maxamuud iyo Shaakh Yaasiin waxay iminka gacanta ku hayaan Masaajidka AL-RAXMA oo ku yaal meel dadku ay ku badan yihiin waxayna sida sawirka ka muuqda ay Muslimiinta khayrka jecel ugu baaqayaan in ay ka qaybqaataan dhismaha Masaajidka AL-RAXMA.
 
Waxaa kaloo lagu xasuustaa Sheekha iyo Culamo kale oo ka tirsan culamada waaweyn ee Puntland inay u istaageen inay Nabadgelyo waarta ku sugaan Deegaanada Puntland, waxaana ugu muhiimsanayd Waqtigii ay soo baxeen Maxaakiimtii Koonfuta oo ay ku dadaaleen Sheekha iyo Culamada kale ee la shaqeeya inay Masaajidada ku yaal Puntland ay ka istaageen, iyagoo dadka uga digaya inay beri ka noqdaan dhiiga qofka Muslimka ah, waxayna dacwadooda ay dejisay dad badan reer Puntland ah oo aaminsanaa waxa Soomaaliya ka socda  loogu yeeri karo Jihaad ama la xalaalaysan karo dhiiga qofka Muslimka ah.
 
Sheekha C/qaadir ayaa ah Sheekha ugu  da'da weyn culiumada Puntland, waana Wadaad ay aad u ciseeyaan Culumada kale ee Puntland, halkaas marka laga fiiriyo waxaa la dhihi karaa culimada Puntland dacwada u qaabilsan inay u dhisan yihiin hababkii uu u dhaqmi jireen  Nabigeena Maxamed (SCW) iyo Asxaabtiisii oo ahaa kuwo aad u kala danbayn oo kala  meeqaan ah. 
 
Cisada Sheekha kuma eka oo kaliya Culimada asxaabtiisa ah , waxaana dhanka kale aad u jecel shacabka Puntland oo ku tilmaama inuu yahay Wadaad leh aqoon diineed oo qoto dheer , waqtiyo badana soo ahaa Daaci aad ugu xeel-dheer Diinta Islaamka.
 
Sheekha, waxyaalaha mucjisada ah ee aad dadka uga duwan yahay ayaa ah,  isagoo ah nin la shaqeeya bulshada noocyadeeda kala duwan , isagoo la shaqeeya ayna u yeertaan Masuuliyiinta Puntland, waxaa taariikhda Puntland lagu arkay Madaxweynayaashii Puntland soo maray qaarkood iyo Madaxweynaha hada talada haya ayaa ugu yeerta Wadaadka Waxyaalaha ay u baahan yihiin inay kala talashadaan waana ku qadariyaan, waxaa lagala tashadaa Amaanka, waxaa lagala tashadaa Shareecada Islaamka, Waxaa lagu darsadaa wax kaqabashada Arrimaha khayriga ah iyo arrimo kale oo badan oo aan lagu soo koobi karin halkaan.