Maqaal Sakaatu Fidriga

Sakaatul-fidriga

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Islaamka wuxuu waajibiyey Arrimo laga doonayo qofka sheegta inuu la yimaado oo ay ugu horeyso Salaada, Zakada, Soonka iyo Xajka oo ah qofkii awooda sahay iyo gaadiid, intaasiba waxay qofka ku waajib noqonayaan markuu ku dhawaaqo shahaadada, qaar ka mid ah arrimahaasi waxaa dhacda in laga cafiyo qofka awood la'aan darteed, taas oo iyana noqon karta Soonka sida qofka xanuun aan caafimaad lahayn hayo ama gabow aan la soomi Karin ama haweeneyda uurka leh ama ilmaha nuujinaysa, iwm. Waajibyadaasi waxaa ka mid ah qaar aan marna iyo sinaba looga cafinaynin sida Salaada waxaa kaliya oo laga cafiyaa waa.
  • . Inuu yahay qof aan miyir lahayn.
  • Inuu caruur yahay.
  • Inuu hurdo ama halmaan uga tagtay
Salaada oo markuu soo kaco ama uu xusuusto laga doonayo inuu la yimaado oo soo gudo. Haddaba Zakada oo ka mid ah waajibyadaas waxay u qaybsantaa laba nooc oo kala ah.
  • Zakada xoolaha (Dahab, Qalin, iyo xoolo nool) oo leh laba shardi oo kala ah in xoolahaasi intaad haysatay uu ka soo wareegay sannad iyo inay gaareen xadigii(qiimaha) lagu bixin lahaa.
  • Zakaatul-Fidri oo bisha Ramadaan dhamaadkeeda la bixiyo ka hor intaan
Salaada Ciidda la tukanin. Waajibnimada Zakaatul-Fidriga Wuxuu oranayaa Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab inuu Nabigu waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay. Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:
  • Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.
  • Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm. In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri sida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inooga sheegay xadiith saxiix ah.
Goormay waajib noqonaysaa in la bixiyo ? Waxay isku waafaqeen dhamaan Culumada Islaamka in la bixiyo wixii ka horeeya Salaada Ciidda ka hor, intee laga hormarinayaa? Waxay ka yiraahdeen haddalo badan waxaase fiican dadkeena dibada ku nool in wakhti la gaarsiin karo masaakiinta aynu sii bilowno uruurinta waajibkaasi si aanu hubaal ugu gudano waajibkaasi Ilaah inagu waajib yeelay. Waxaad arkaysaa dadka qaar intaan Salaada la tukanin ku oranaya waxaanu wadnaa Zakaatul-Fidrigii sideenu yeelayaa? Wakhtigaasi waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri, sababtoo ah su'aasha meesha taal ayaa waxay tahay yaa gaarsiin kara miskiin wakhtigaas, haddii aanu ku noolaan lahayn dhulkeenii ama dhulka Muslimiinta kaleba waxaa sahal noqon lahayd inaanu helno miskiin la siiyo, laakiin hadda maya. Waxaa dhacda inaanu aragno dadka dibada ku nool hooyo kaligeed ah oo wadata ilmaheedii, aabihiina uu dhintay ama ay kala tageen, xaaladeedu maxay noqonaysaa? Haddii ilmahaasi yihiin agoon isla markaasina ay hooyadaasi haysato xoolo waa inay Zakada ka bixisaa ilmaheeda ajar ayeyna ka helaysaa iyadoo ilmaheeda ay yihiin. Haddiise uu aabihii nool yahay isla markaasi ay ilmihii haysato hooyadood aabahaasi waxaa ku waajib ah inuu bixiyo Zakaatul-Fidriga hadduusan bixin isagaa hor Allaah ku dambaabaya loona haystaa, markaasi ay sidaasi tahay hadday hooyadu ka bixiso waxay leedahay ajarkeeda. Waxaa dhacda dadka qaar inay is weydiidaan ilmihii siqiirka ahaa ee dhintay ama dhiciska ahaa ma laga bixin karaa? Maya waajib kuguma aha waxaa kugu waajib ah qofka nool lab iyo dheddig ku yar iyo mid wayn wuxuu ahaadaba in laga bixiyo qof dhintay ama aan dhalanin oo uurka ku jira midna waajib kuguma aha inaad ka bixisid, laakiin haddii ilmuhu kuu dhasho bisha Ramadaan gudeheeda ama intaan la tukanin Salaada Ciidda waa inaad ka bixisaa Zakaatul-Fidriga. Sababta loo waajibiyey Zakadan ayaa waxay tahay in qofka Soonkiisii laga nadiifiyo wixii xumaan iyo wasakh ah ee gaaray, Allaah waxaanu ka baryeynaa inuu naga aqbalo Soonkeena, Salaadeenna,nagana dhigo kuwii liibaana adduun iyo aakhiraba.
WQ: Sh. Bashiir Yuusuf Shiil
Imaamka Masaajidka Khaalid Bin Al-Waliid,Toronto,Canada



 

 

Maxaa cusub

Waan soo gudbin doonaa wixii cusub.