Kulan-diineedkii 8aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika

Warbixintii: Qardhaawi.com | Minneapolis | July 4, 5, 6, 2008


Dadweynihii kasoo qayb galay Mu'tamarka 8aad ee W/Ameerika

Kulankii Muslimiinta Woqooyiga Ameerika ee lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa habeenimadii Axadii (July 6, 2008) si habsami ah usoo gabagaboobey, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Muslimiin aad u tiro badan ayaa noqday mid si weyn ay Muslimiintu ugu riyaaqeen sida habsamida ah ee uu u dhacay saddexdii maalmood ee uu socdey.


culumadii ka soo qayb gashay maxaadarooyinka qayb ka mid

Kulankaasi intii uu socdey waxaa ka hadlay culimaa'udiin farabadan oo qaar lagu soo xiriiriey khadka Video (conference) ee tooska ah ayagoo joogey magaalada Nairobi(sh. Maxamud shibile iyo Sh. Maxamed Umal) iyo culimo Minneapolis jooga. Waxana indhaha dadweynaha ka soo qayb galay ay aad u jeclaysteen sida ay Muslimiinta W/Ameerika, gaar ahaan kuwa deggan Minnesota (Minneapolis/St.Paul) ay ugu midoobeen kulan diineedka sannadkiiba mar la qaban jiray bisha September haatana la qabtay bisha July, laguna beego xilli fasax ah si ay dadweyne aad u tiro badani uga soo qayb galaan. Waxana uu kulankaasi noqday mid ay Muslimiinta Maraykanka iyo Kanada ku xisaabtaman si ay uga soo qayb galaan sannad kasta Allah idankiis, carruurtoodana u tusaan hiddaha iyo dhaqanka Suuban ee Soomaalida ee kusalaysan Islaamka sida ay isugu duuban yihiin, si jiilasha ama faca dambe loogu reebo dhaxal aan maskaxdooda ka suulin ee ku salaysan Islaamka.


Cabdiqani Qardhaawi

Qayb aad u ballaaran oo kulanka ah waxaa loogu talo galay dhallinyarada da'da yar ee Muslimiinta ah, waxaana la qabtaa tartano Islaami ah oo lagu dhisayo hab fikirka iyo cilmiga dhallinyarada Musliminta.

Isku soo duub oo, kulankan oo aad u ballaarnaa ayaa ahaa mid si weyn ay u jeclaysteen dhammaan dadkii Muslimiinta ahaa ee ka soo qayb galay.


Shiikh C/raxmaan Sh. Cumar oo video Conference looga soo xiray Nayrobi


Sh. Maxamed Umal loo lagu soo xiray Video Conference



Shiikh Jamaal Daahir oo ka yimi Canada ka qayb qaatay Mu'tamarka
iyo shiikh mustafe Minneapois, iyo sh. axmed nuur Kansan city



dadwayniihii ka soo qayb galay mu'tamarka