furitaanka Masaajidka Shaafici

Minneapolis:-Waxaa xalay dib loo furay Masjiddu Shaafici  Masjidka ayaa la bur buriyey mudo halsano iyo dhowr bilood laga joogo Sababtuna waxay ahayd Mulkiilaha dhulka iska lahaa oo goobta uu ka dhisay ay ahayd mid Dowladdu u baahatay ka dibna dhulka ayaa lala simay


Masjiddu Shaacifi oo ahaa Masjidkii ugu horeeyey ee Minneapolis lag unkay ama Laga asaasay Xaafaddda Cedar Masjidka goobta laga furay ayaa ah goob aad ugu dhow meeshii Dhismihii hore laga dumiyey  Imaamka Masjidka .

Sh C/qani Qardhaawi ayaa Xafladda furitaanka ku soo dhaweeyey Sh C/qani Bashir oo ka yimid Dalka kenya iyo Sh C/risaaq Macalin Sancaani oo ah Imaamka Masjiddu Rawdah waxaa kaloo Goobta ka hadlay Sh Mohamed Sidirijal oo Imaam ka ah Masjidd ka Xaafadda Bunsville  Waxaa kaloo ka hadlay Goobta Sh Shaafi


 
Sh C/qani Bashir Masaajidda iyo diinta lacag la,aan dhaqaalo la,aan ma soconayso waa in wax lala baxaa waxaad arkaysaa dad markii arimo kale laga hadlo Dhahaya dhaqaalo ayey u baahan tahay laakiin diinta islaamka markii dacwada laga hadlo dib ayaa la isku dhigayaa

Sh C/risaaq Sancaani Dhibaatada Masaajidda halaga daayo waxaa batay maal mahan in Masaajidda la xanto oo la yiraahdo Masaajidka la Furay waxaas ayaa loo furay ilaahay halaga cabsado waa in laga hortagaa dacaayadda iyo wixii dhibaato dad ka u keenaya

Sh Mohmaed Sidirijal oo ah Imaamka Masjid ku yaala Xaafadda Bunsville ayaa sna ka hadlay midnimada iyo walaal tinimada Islaamka waxuuna tilmaamay in Mar kasta la isku baahan yahay noo aanan la kala maarmin waxuuna xusay in mid nimada lagu gaaro guul iyo hor mar

Sh Shaafi Dacwadu yeysan naga noqon Nin kii Hasha waday iyo Nin kii kale ee gadaal ku dhagay oo in lawada wadaa waana in khayr kasta lagu Farxaa laga qayb qaataa waxuu kaloo u duceeyey Sh Shaafi Somalida asaga oo tilmaamay dhib iyo qaxar in ay ku jiraan

Sh C/qani Qardhaawi Imaamka Masjiddu Shaafici oo Xiriirinta iyo Soo dhaweynta Culumda qaabilsanaa ayaa asna kalmad wacdi ah meesha ka jeediyey waxaa kaloo Sh C/qani uu dad ka xafladda ka soo qayb galay ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Mashruuca Masjidka dad weyne aad u tira badan ayaa ku yaboohay in ay lacago bixiyaan ayada oo howl wadeenada Masjidka Shaafici ay waraaqaha lacagaha lagu qorayo ay dadweynaha u qaybinayeen
Dadweynihii goobta yimid ayaa waxaa doorweyn ka cayaaray sida Sh C/qani Sheegay Gabdhaha ama Haweenka Somaliyeed u waas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo khayrka jecel

Sh C/qani aya u sheegay dadweynaha in Salaadda jamcaha la tokon doono Saacaddu markii ay tahay 12:30PM lagana bixi Doono 1:00PM Sh C/qani Qardhaawi ayaa sidoo kale sheegay in Muxaadarada socon doonaan ilaa Maalinta Axadda ah isla markaan Salaadda Taraawiixda lagu tokon doono iyo Tahajudka


Ustaad Abdiwali Dalboon
North America Minnesota
Minneapolis cdalboon@hotmail.com