Hijradii Nabigeena suuban (scw) (Q.1aad)


Hijradii Nabigeenu (scw) uu kasoo hijrooday (kasoo safray) Makka ee uu ku yimid Madiina, waxay ahayd dhacdo aad Muhiim ah, oo wax weyn ka badashay tartankii, awoodaha, diimaha iyo umadaha intaba. Resuulku (scw)

 

wuxuu kafidinayay Diinta Islaamka magaalada Makkaha 13sano, balse dadkii ree Makkah dhagaha ayay ka furaysteen weyna diideen inay Diinta Islaamka qaataan.

Saxaabadii rumaysayna aad baa loo dhibay, oo gaaladii ree Makkah waxay ku dhaarteen inay Diintan cusub cagta hoosteeda galiyaan, marnana ayna ogolaanin inay fido ballaarato yeelato awood difaacda.

 

Rasuukuna (scw) markuu arkay sida loo dhibayo saxaabadiisa gaar ahaan kuwa aan lahayn qabiil weyn oo lagaga cabsado, ayuu u idmay inay u hijroodaan dhulka Xabasha-Somalia oo uu katalin jiray boqorkii laoran jiray Najaashi ee markii danbe Islaamka qaatay.

 

Dhibkii markuu sii batayna dad safar ah oo kayimid magaalada Madiina ayuu ilaahay qalbigooda Islaamka ku weyneeyay siaad u macaana u qaatay Diinta, goostayna inay Islaamka ku fidiyaan magaalada Madiina. Kadibna Rabbi (swt) baa u idmay Rasuulkiisa inuu u hijroodo-usafro magaalada Madiina, si loo helo bulsho qaadata oo u tabaqda Islaamka si dhamaystiran.

Hadaba waxaa xaqiiqa ah safarkii hijradu inuu ahaa mid ay haraynaysay dhibaatooyin iyo khattaro fara badan maxaayeelay gaaladii ree Makkah-Quraysh waxaa u cadayd in haduu Muxamad (scw) helo bulsho rumaysa oo difaacda, Diintiisu ay aad u fidayso, magaalada Makkana laqa qabsan doono. Sidaa darteed bay aad ugu dadaali jireen inay wufuuda iyo dadka safarka ku imaanaya magaalada barakaysan ee Makka ay u diidaan inay la-kulmaan Rasuulka (scw).

 

Hadaba qisada Hijradu waa dhacdo qiimo sare xanbaarsan loogana hadli karo qoraalo badan, lagana baari karo dhinacyo badan. Balse waxaan isku dayaynaa inaan sigaaban uga hadallo dhacada hijrada iyo wax-yaabihii ka dhashay. Rasuulkeenu (scw) wuxuu u ogolaaday Saxaabadiisa inay u safraan Madiina oy isaga ka hormaraan, balse waxaa la joogay qaybo ay kamid yihiin Cali bin Abiitaalib, Abuubakar Alsidiiq iyo kuwa kale oo badan.

Abuubakara markasta wuxuu waydiisan jiray Rasuulka (scw) inuu u ogolaado inuu isaga lahijroodo-lasafro, kadib markuu Rabbi (swt) faray inuu hijroodo wuxuu u tagay saaxiibkiis Abuubakar, oo sii diyaariyay labadii Riti ee ay fuuli lahaayeen. Abuubakara wuxuu weydiiyay inuu raaci karo, wuxuuna yiri haa! Abuubakara illin baa ka timid, ilaa ay gabartiisii Asmaa tiri (waligay ma arkin qof farax la oynaya markaas kahor).

 

Kadibna golihii amaanka ee gaalada ayaa goaamiyeen in ciidamo is bahaysi-isku dhafani dilaan Muxamad (scw) kadibna ree Cabdimanaaf ay  qaataan magdhaw, maxaayeelay lama dagaalami karaan Quraysh oo dhan! Raggii loosoo xulay inay dilaana waxay ka qabteen Gurigii uu jiifay waardiye adag. Iyagoo haysta seefo aad loo afeeyay, rabana markuu soo koco inay haljeer seefaha ku hoobiyaan, balse waxaa ka-saraysay Awooda Rabbi oo gaarsiisay Muxamad (scw) inuu hurdada katooso iyagoo aan arkina uu dhex maro. Isagoo akhrinaya aayada ku jirta suurada yaasiin oo ah..

Meeshiisiina Waxaa seexday Cali bin Abiitaali, siay  ugu maleeyaan Muxamd (scw) inuu jiifo, iyo inuu amaanooyinkii uu hayay Nabigu u celiyo dadkii iska lahaa!

Nabiga (scw)  iyo Abuubakara waxay bexeen habeen, waxayna u bexeen dhinicii loo aadi lahaa Madiina dhineciisa kale siay u raadgataan, waxayna galeen God yar oo cariiri ah, siayna gaaladu u arkin. Gaaladiina markay subaxdii o gaadeen Muxamad (scw) inuu xalay baxay jini baa kukacay, waxayna aad ugu dadaaleen siday usoo qaban lahaayeen, iyagoo karaadinaya dhinacyada magaalada iyo Jidadka kabaxa oo dhan.

 

waxayna soo gaareen Godkii ay kujireen, Abuubakara wuxuu yiri (Haday fiiriyaan cagahooda hoostooda way na-arki lahaayeen) Nabiguna (scw) uu ku dhahay waxaa nahay labo uu Rabbigood sadexeeyo, ee hacabsanin...

Kadib markay godkii 3habeen kujireen, gaaladiina ay ka-quusatay ka-daashay raadintooda, ayay kabexeen godkii iyagoo usii jeedsaday dhica Madiina. Waxayna mareen jid aad u dheer una dhib badan, waxayna lakulmeen mucjisooyin aad u fara badan.

 

Udanbaytiina waxay soo gaareen magaalada Madiina oo dadkeedu ay siaad uxiisa badan u sugayeen, iyagoo usoo bixi jiray maalin kasta banaanka magaalada gaar ahaan jidka kayimaad dhinaca Makkah.

Halkaana waxaa kabilowday ku dhaqankii Diinta Islaamka ee dhabta ahaa ee ugu horeeyay, inuu Islamkii helay bulsho dhamaanteed diyaar u ah qaadashada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka.

Lasoco qaybaha soo socda haduu Rabbi idmo

 

Lasoco q.2aad ee xusuustii Hijradii nabigena (scw)

 

Axmad Cabdulahi,