Culumadu dilkii Sheekha maxay shabaab dusha uga saareen?
By Sh. Axmed Cabdisamad

Sheekha waxaa la diley markii uu ka soo baxay salaadda subax, culumaduna waxay kaga dhawaaqeen qabuuraha salaaddii duhur ka dib in xarakada Alshabaab ka dambaysey dilkii Sheekha. Waxaana hubaal ah in aysan culumadu goobta sheekha lagu dilay joogin, ninkii la socday sheekha markii la dilayna wuxuu sheegay in ay ahaayeen labo nin oo aanu midna garanayn.

Qur’aanka iyo xadiiskana waxaa la ina ku amary in aynu ka dheeraano malaha badankiisa; waayo malaha qaarki waa dambi. Haddaba waxaa isweydiin leh culumadu maxay u cuskadeen eedda ay dusha ka saareen xarakada Alshabaab iyaga oo aan fursad u helin inay arrinta baaritaan ku sameeyaan?. Markii aan u kuurgalay waxa culumadu eedayntooda u cuskadeen waxaa ii soo baxay arrimahaan:

 

  1. “Malaha badankiisa ka dheraada; waayo malaha qaarki waa dambi” waxaa ku cad in uu jiro male aan dambi ahayn, waana kan cuskan labo arrimood ama midkood: in ay jiraan calaamado muujinaya in qofkaasi dambiga lagu tuhmay uu sameeyay iyo in qofkaasi leeyahay sooyaal dambiilenimo (qof xun oo falkaani caado u yahay ama ka suuroobo).

 

  1. Culumadu waxay hayeen calaamado badan oo muujinaya in xarakada Alshabaab ay sheekha dishay, waxaana ka mida:

a) In Alshabaab iyo taageerayaashoodu mudaba ay culumada ku wadeen dicaayado cismada lagaga qaadayo (dhiigooda lagu banaysanayo), sida: culamaa’usuu’, taageerayaal cadaw, jihaad diid, shareeca diid, taangiga gaalada ayay ku gabbanayaan iwm, iyaga oo dicaayadahaas ku qoray buugaag, kana sheegay masaajida iyo saxaafadoodaba.

b) In culumadoodu fatwoodeen, kuna taliyeen laynta culumada.

c) In ay hanjabaado guud u jeediyeen culumada

d) In ay hanjabaado gaara u soo direen sheekha la dilay, sida: E-mail, massage iyo telefon.

e) Markii uu dhamaaday shirkii Baydhabo ee laga sheegay in culumada Ictisaam ka daranyihiin gaalada iyo dilka sheekha waxaa u dhexeeyey maalin ama labo.

f) In sheekha rag saaxiibadiis ah (oo isugu jira kuwo xarakada shabaab ka tirsan iyo kuwo ka agdhow) u sheegeen in Alshabaab ay dilayaan, ayna kula taliyeen inuu dalka si degdeg ah uga boxo.

g) Inuu maalmihii noloshiisa ugu dambeeyay sheegay in uu culays badan ka dareemayo nimankaas, markii dalka ka bax lagu la taliyeyna uu ku jawaabay: mabda’a aan xambaarsanahay sidaas uga ma cararai karno, waqtigaygana dhaafi maayo.

h) In ay ka muuqatey Diktoorka inuu u diyaargaroobay in la dilayo, muxaadarooyinkii ugu dambeeyay ee uu jeediyeyna kama marnayn dardaaran uu ummadda uga tagayey.

 

  1. Sooyaalka Alshabaab wuxuu xoojinayaa tuhmada inay falkaan ka dambeeyeen; waayo dhaqan bay u ahayd inay fuliyaan, kuna faanaan falkaan oo kale iyo kuwo ka daranba.

 

  1. Waxaa kale oo sii xoojinaya labadaas arrimood habka faldambiyeedku u dhacay oo farta ku fiiqaya Alshabaab. Eeg xilliga sheekha la dilay (isaga oo salaad subax ka so baxay), goobta lagu dilay (masjidka hortiisa), qalabka lagu dilay (bastolado), dadka dilay (dhallinyaro tababaran) iyo habka loo dilay (toogasho wadnaha ah iyo dhibibtir madaxa iyo wajiga ah)!.

 

Haddaba arrimahaani waxay caddaynayaan hadalka culumadu in aanu ahayn “ul mugdi ku tuur” ee uu ku qotomay waxyaabo la taaban karo oo u baahan dhammaystir kaliya. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu ummadda u muujiyo kuwii shirqoolka sameeyey iyo kuwii fuliyeyba, uuna ciqaab adduun oo cibro noqota deg deg u mariyo, tan aakhirana u laalaabo, qof muslim ah oo sheekha ka dambeeyana uusan ku sallidin.