ÿþ<!DOCTYPE HTML PUBLIC "-//W3C//DTD HTML 4.01 Transitional//EN"> <html> <head> <!-- Information generated and read by Xara Webstyle. Do not edit this line. [Toptab (Theme);bar3;Theme Color 1;2614024;themecolour1;Accent Color;1644824;themecolour2;Background Color;2295540;themecolour3;Button Text;15198446;themecolour4;Button Text (Over);0;themecolour5;Heading & Logo Text;16777215;themecolour6] --> <!-- Template design (c) Xara Ltd 2003 --> <title>qardhaawi.com, qardhaawi, Cabdiqani Maxamed cali xagaa</title> <meta http-equiv="Content-Type" content="text/html; charset=iso-8859-1"> <meta name="generator" content="Web page layout created by Xara Webstyle 4 - http://www.xara.com/webstyle/" /> </head> <body leftmargin="5" topmargin="5"> <table width="100%" border="0" cellspacing="5" cellpadding="0"> <tr> <td height="101" valign="top" class="topstrip"> <table width="100%" height="101" border="0" cellpadding="0" cellspacing="0"> <tr valign="top"> <td colspan="2"> <table border="0" cellspacing="0" cellpadding="0"> <tr> <td width="245" valign="top"><img src="index_files/index_heading.gif" editor="Webstyle4" moduleid="bar3 (Project)\index_heading.xws" border="0" /></td> <td class="headpad"><img src="index_files/index_subheading.gif" editor="Webstyle4" moduleid="bar3 (Project)\index_subheading.xws" border="0" /></td> </tr> </table></td> </tr> <tr> <td width="10" height="10" valign="top"><img src="index_files/Toptab_shim.gif" width="10" height="10"> </td> <td width="820" valign="top"> <script Webstyle4>document.write('<scr'+'ipt src="index_files/xaramenu.js">'+'</scr'+'ipt>');document.write('<scr'+'ipt src="index_files/index_hnavbar.js">'+'</scr'+'ipt>');/*img src="index_files/index_hnavbar.gif" moduleid="bar3 (Project)\index_hnavbar_off.xws"*/</script> </td> </tr> </table></td> </tr> </table> <p ALIGN="CENTER"><font color="#000080" face="verdana,helvetica,arial" size="5"><b>Gabay baroordiiq ah<br>By Dr. Axmad Jaamac Ismaaciil Mire</b></font></p> </h4> <p><a href="http://www.somalimirror.com/wp-content/uploads/2011/12/16.jpg"><img class="alignleft size-thumbnail wp-image-43393" title="16" src="http://www.somalimirror.com/wp-content/uploads/2011/12/16-150x150.jpg" alt="" width="150" height="150" /></a> Mahad dhammaanteed ilaahay baa leh, ammaan iyo nabadgelyna nabi Maxammed scw ilaahay dushiisa ha yeelo, intaa kadib waxaan halkan uga tacsiyeynayaa muslimiinta dhammaanteed, soomaali oo idil, gaar ahaan culimada iyo qoyskii uu ka soo jeeday dr. Axmed X Cabdiraxmaan, anigoo ilaahay ka baryaya inuu samir iyo iimaan inaga siiyo, isagana danbidhaaf iyo naxariis ku abaalmariyo.<br /> Walaalayaal waxa halkan aan ugu soo gudbinayaa inta tacsidu ku socoto oo dhan gabay baroor-diiq ah oo ku saabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid dr. Axmed oo runtii qof kasta oo Soomali ahi ka naxay anigana si gaara ii taabatay, ilaahay ha u naxariisto oo godka ha u waasiciyo albaabna janada ha uga furo, xisaabtana ha u fududeeyo, cadaabka qabriga iyo ka aakhirona haka ilaaliyo, ciddii dishayna ilaahay ifka ha ku ciqaabo aakhiro ka hor, dadka muslimiinta ha ku kashifo. <br /> <br /> Garaad-li,ida Soomaali waa loogu daw-galaye<br /> Halyaygii gargaaraba marbay boqonta gooyaane<br /> Waa macallinkeed gawraciyo guurti mawtiya,e<br /> Lama gooyo geed wayn hadduu kuu gabbaad yahaye<br /> Gurgurshaaga lama qalo iyo hashii geela ka irmaane<br /> Inkastoon nin door iyo garaad, geesi badan waynay<br /> Geeridii diktoorkii ku timid lama gudboonayne<br /> Tilmaantiisi kama gaadhi karo gabi ahaanteede<br /> Bal guddooma dhowr qodob ayaan gaar u taabaniye<br /> <br /> Gar adkaatay oo culus haddii odayo loo geeyo<br /> Oo ay giraan xidhan gashoo gees u bixi waydo<br /> Inta goysa buu ugu mudnaa geesigii tagaye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Masallooyin gaaraa jiroon caamo garaneyne<br /> Bayd-gaabka oo idil hadduu gaadhi kari waayo<br /> Mufti loo gudbaa buu ahaa geesigii tagaye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Gayigeena soomaaliyeed oo gunnimo qaatay<br /> Dhallintiina ay wada galeen kuwa jid-goynaaya<br /> Garaadkiisa waatuu ka helay geeya jaamacade<br /> Boqolaal digrii gaadhay baa goostay midhihiiye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Gaajiyo abaariyo haddii uunka dhibi gaadho<br /> Maatada gardaadshuu ahaa geesigii tagaye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Golihii shir laysugu baxoo xaajo la gorfeeyo<br /> Rag baa hadalka gawlgawla oo godob ka raacdaaye<br /> Kalmad gara ayuu geysan jiray geesigii tagaye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Gacan furan ma deeqdee khalqiga gabi ahaantiise<br /> Qalbi gacalo buuxdoon cidnaba dhagar la gaadaynin<br /> Oo aan guhaad qabin la sii geesigii tagaye<br /> Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya<br /> <br /> Gacal iyo xigaal iyo asxaab gabiba soomaali<br /> Intii garanaysaa way ogtahay hiil wuxuu galaye<br /> Ilaahaw cadaab guba ka dhowr oo gali jannaatkaaga<br /> <br /> Guullow ku tuugaye haddaan geesta kale eego<br /> Godobqabihi gawracay la waa meesha uu galaye<br /> Ilaahow adaa garanayoo kaa gedsami-waaye<br /> Allahayow cuqubaduu gasbaday gooni uga muuji<br /> oo gumaca uu sido ku goo gaadadiyo laabta<br /> Guullow qofkii kuu baxsada waw gargaartaaye<br /> Ilaahaw ka soo gaar khalqiga beledan gaadaysa<br /> Ee looga go,ay goobihii loo gingimay khayrka</p> <p dir="ltr">Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire<br /> Madiina almunawara, S. Arabia<br /> jaamacadda islaamiga ah ee madiina .<br /> email:axmedrashiid72@hotmail.com</p> </body> </html>