Xajjka


Waxaa Soo diyaariyey:
Abdulfatah Mohammed Abdulle
E-mail: abdulfatah@yahoo.com

Xajku waa rukniga shanaad ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytulxaraamka isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.

Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.

Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa.

Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan ?" Rasuulku (CSW) wuxuu yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo," ka bacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rsuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galay", kabacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yiri:" Xaj Baari ah"..

Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno.

Bilaha xajku waa bisha Shuwaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo).

SHURUUDAHA XAJJKA

Waxaa shardi ah qofka xajka gudanaaya arrimaha soo socda.

1) Inuu muslim yahay.
2) Inuu caqli qabo uuna waalneyn.
3) Inuu qaan gaar yahay.
4) Inuu xoryahay
5) iyo inuu awoodi karo (xoolo iyo jir ahaan ba) inuu xajka guto

Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo.

Meelaha laga xirmanayo (xiranayo)

waxaa jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin.

1) Dul-xuleyfa oo ay reer Madiina ka xirmadaan.
2) Jux-fax oo ay reer Shaam ka xirmadaan
3) Qarnulm-manaasil oo ay reer Najad ka xirmadaan
4) Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka xirmadaan
, dadka Soomaaliya ka yimaadana halkan ayey ka xirmadaan
5) iyo Daatu-ciraq oo ay reer Ciraaq ka xirmadaan.

Hadaba waxaa la karaahiyeystay inuu qofku xirmado xajka isaga oo aan soo gaarin shantaa meelood ee kor ku xusan ee uu kaga xirmanayo xajka maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa waqtiyeeyay.

Waxaa jira saddex nooc ooqofka u gudan karo xajka.

1) Tama tuc oo ah inuu qofku xirmado Cumrada bilaha xajka gaar ahaan ka bacdi marka bisha Shuwaal soo gasho kadibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oouu xirmado xajkii.
2) Qiraan (xiriirin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo wada xirmado.
3) Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu qofka xirmado xajka oo kaliya.

Culimada Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay.

Sidee loo gutaa xajka?

Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay inuu qofku xirmado xajka, oo ah maalinta sideed ee bisha Dul-xaj (Arrafo) marka uu xirmanayana waxaa looga baahan yahay.

1) in uu qubeysto (mayrto) is cadriyo.
2) in uu xirto dhar cadcad, gabadhuna ay xirato wixii ay rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan is qurqurxinin.
3) inuu tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi si uu markaas ka bacdi u xirmado haddii aanan jirin salaad farad ahi waxuu tukanayaa labo rakco oo sunna ah oo aan ahayn sunnihii ixraamka ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.).
4) Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna ku tukanayaa duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax wuxuuna qasrinayaa (gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin karo (Duhurka, Casarka iyo Cishaha) isaga oo jamcinaaya (kulminaya).
5) ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiima istaagidda la istaago Carafo ducada la duceystaana aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunne ah inuu soomo.
6) in lugu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib iyo cishaa. Marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa Mash-caril Xaraam.

7) ka bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya Jamratulcaqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiirayaa ama la gaabinayaa timaha haddii uu nin yahay. intaa kabacdi wuxuu la dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada. kabacdi sacyigii (orodkii) ayuu la imaanayaa haddii aanu hore u sameyn intaa ka bacdi waxaa xaajigii u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa (maalmamaha 11, 12, iyo 13aad). Minaa, wuxuu tuurayaa sadex tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo oo isku xiga isaga oo qofku takbiiranayo tuuryo kasta oo uu tuuro. Ugu dambeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaafulwidaac. Ka dibna wuxuu soo siyaaranayaa Masjidka Rasuulka (CSW) Haddii aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah.

1) inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo.
2) inuu jaro cidiyaha.
3) inuu isticmaalo udug marka uu xirmado ka bacdi .
4) inuu xirto galofis (gacma-gashi).
5) inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jira.
6) in la suubiyo caqdi ~ guur.
7) in la dilo xayawaanka ama la ugaarsado

TALOOYIN GUUD

Walaalkeyga Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira caafimaadkiisa waxaana ka mid ah.

1) inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah
2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin
3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo iyo saabuun .
4) iska jir is gediska hawada kuleylka badan iyo qabowga badan, is kana ilaali waqti badan inaad hoos fadhido qorrax kulul.
5) kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga, daboolna cuntada
6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag ah.
7) markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir meelaha caafimaadka kuugu dhaw.
8) sii qayb nasasho ah jirkaaga; seexo waqti kugu filan maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa dhibaatooyin kala duwan.
9) dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqtiga carrafo la taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar (khudrad).
10) dharka aad xiraneyso waa inuu khafiif ahaado oo aanu neyloon ahaan si dhididka uu u nuugo oo xaraaradda jirku hoos ugu dhacdo.

Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa

1) inay qaataan tikit safar oo go and back ah.
2) in baasaboorka waqtigiisu fiican yahay oo aanu dhicin.
3) inuu qofka sii qaato Kitaab Qura’an ah oo uu aqristo.

Waxaan u rajeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale in Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban Aamiin. Allahayoo Aamiin.

Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada haaysata uguna bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo, iyo dowlad caadil ah dalka ka curata. (Sanadkan 2000).

Aaamiin Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin ila dhaha.

Wabillaahi Towfiiq