Sigaarka Iyo Dhibaatooyinkiisa

Waxaa diyaariyey
Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)

Sigaarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha lagu tiriyo in uu keeno cudurada khatarta ah kuwaasoo waxyeelo u keena qofka naftiisa, haddaba inta aanan u fiirin maxay diintu ka qabtaa aan ku hor marno waxyaalaha iyo sida ay dadka aqoon yahanada ah iyo cidii kasta oo baaritaan ku samaysay ay ka sheegtay cabitaanka sigaarka. Sigaarka waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nooc daroogada ka mid ah oo si xun ugu faafaya dunida dhamaanteed. Baaritaan ay sameeyeen aqoonyahano ka socda waaxda caafimaadka ee wadanka Maraykanka ayaa waxay daaha ka qaadeen in cabitaanka sigaarku uu yahay waxa ugu wayn ee faafiya ama keena cudurada kuwooda xun sida kansarka, wadno xanuunka, Sambabka oo hurguma, iyo meelaha ay hawadu marto oo ay ku dhashaan cuduro, cudurada laga qaado cabitaanka sigaarku waa ka badan yihiin kuwa laga qaado noocyada kale ee daroogada ah, sidoo kale wuxuu caafimaad xumo u keenaa ilmaha uurka ku jira haddii hooyadu cabto. Waraaqo (pamphlet) laga soo saaray xafiiska U.S. Surgeon General’s Office, cinwaaakooduna ahaa “Maxay Dadku Sigaarka U Cabaan” ayay waxy ku cadeeyeen in sigaarku yahay daroogada kaliya ee qofka naftiisu ay sida dhaqsaha ah ula qabsanayso dabadeedna uu qofku had iyo goor u baahanayo (cigatette smoking America’s worst drug addiction problem). Dawladda Australia waxay qabatay barnaamij ay ugu magac dartay “Drug Problems in Australia” waxaa qaraarada ay soo saartay ka mid ahaa inay tiri “waa muhiin in la aqoonsado oo la ogaado in cabitaanka sigaarku yahay daroogo qofka naftiisa khatar ku ridaysa, marka loo eego daroogooyinka kale, sigaarka waxaa kujira kiimiko waxyeelaysa qofka maskaxdiisa kuna abuurta qofka in uu noqda mid ka caada dhigta oo raadsha xilli walba”. Nin ka madax ka hay’adda lagu magacaabo U.S. Surgeon General, magaciisuna yahay Everett Coop ayaa wuxuu soo saaray bayaan uu kaga hadlayo cabitaanka sigaarka, waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “dad gaarayaa 340,000 (saddex boqol iyo afartan kun) ayaa ku geeriyooda wadanka Maraykanka dhexdiisa, dadkaas oo u dhintay cudurada uu keeno cabitaanka sigaarku, sidaa awgeed waxaan ognahay in cabitaanka sigaarku uu yaahay dilaa wayn oo qofka naftiisa halaagaya, marka la eego bulshada dhexdeeda dadka qaba cudurada sida kansarka, wadno xanuunka, sambab xanuunka iyo cudurada ku dhaco meelaha hawadu soo marto waxaay ka qaadeen cabitaanka sigaarka. Inta waxaa noogu cad dhibta iyo xumaanta uu leeyahya iyo waliba caafimaad xumada qofka sigaarka caba, haddaba aan u fiirino waxa ay diintu ka qabto cabitaanka sigaarka. Guud ahaan marka loo fiirsho nusuusta kitaabka iyo sunnada waxaa kuu kala cadaanays ain cabitaanka sigaarku tahay mid xaaraan ah oo aan u cuntamin qofka u nasab sheeganaya islaamka . Marka hoer islaamku waxa uu dadka ku booriyey nadaafada qofka dharkiisa iyo jirkiisaba, waxaana nadaafadda nabigu ku sheegay in ay tahay iimaanka barkiis, had iyo jeerna qofka sigaarka caba waxaa ka soo ura ur aad iyo aad u qurmuun oo runtii qofka aan sigaarka cabini uu dhibsanayo nabigu xadiith ayuu ku tilmaamay in ayan banaanay in la dhibo dadka muslimiinta ah, sidoo kale nabigu waa diiday waxyaalaha urka qurmuun oo ay dadku dhibsanyaan in lala soo dhex galo, hadaan tusaale u soo qaadano, nabigu wuxuu diiday imaanshaha masaajidka haddii qofku soo cuno basal iyo toon, wuxuuna nabigu yiri malaaigta waxaa dhibaya waxa qofka dhibaya qofkii soo cuna basal iyomasajid yaanay naga imaan, waliba cumar ibnu khadaab qofkii uu ka dareemo inuu soo cunay basal iyo toon wuxuu qaban jiray ilaa uu geeyo meel masaajidka ka fog, hadaba waxaa is waydiin mudan haddii basashii iyo toontii oo markoodii hore xaalaal ahaa dhibayaan dadkaiyo malaa’igtaba maxaad ka malaysay qof soo cabay sigaar. Qofka sigaarka cabaa waa qof naftiisa dilaya sababtoo ah cudurada aan soo tilmaanay waxay ku yimaadan cabitaanka sigaarka, allaah (sw) waa diiday oo ma ogola in qofku naftiis dilo sida allaah quraanka ku yiri “naftiina ha dilinina ilaahay waa mid idiin naxariis badane”, nabiguna wuxuu tilmaamay qofkiinaftiisa dila inuu aakhiro naarta galayo, rag culumada ka mid ah waxay sheegeen in haddii qofku sigaarka cabo dabadeedna uu u dhinto cudur sigaarku keenay daraadii qofkasi waxa lagu xukumayaa inuu naftiisa dilay, Lacagta lagu gadayo sigaarka oo ah mid lagu bixiyey meel aan allaah (sw) raali ka ahayn waayo lacagtaasi waa lacag la khasaariyey nabiguna waxa uu noo sheegay in maalinta qiyaame lays waydiinayo qofku meesha xooluhu ka soo galeen iyo meesha uu ku baxshay, lacagta sigaarka lagu gatana waa mid lays waydiinayo. Qiyaas la sameeyey inta qofku uu ku bixiyo sigaarka ayaa waxaa lagu qiyaasay in 30 kii sanaba uu qofka sigaarka cabaa uu ku gato lacag dhan 200,000 (laba boqol oo kun) waliba kuma jirto haddii qofku jirado lacagta lagu bixinayo dawadiisa iyo baxnaanintiisa, lacagtaasi waa intii uu sigaarka ku gatay oo kali ah. Waxaa kale muujinaya in sigaarku xaaraan yahay warshadaha sameeya waxay ku soo qoraan baakadda dusheeda “cabitaanka sigaarka waxaa laga qaadaa cudurada xunxun sida kansarka”, marka haddii lagu soo qoray baakadda dusheeda laguuna sheegay in uu cuduro keeno waxaa mudan inaad ka tagto oo aadan isticmaalin. Gegegadaa hadalku waa in uu sigaarku xaaraan yahay oo ayaan banaanayn in la cabo waxaan soo hoos galaya in ayan banaanayn iibintiisa, Qofka oo mulimiinta ka mid ah waxaan kula dardaarmaynaa in uu ku dhaqmo diintiisa oo uu ogaado xaaraanta alle xarimay haddii qoku ku dhaco in uu ku mudanayo ciqaabka ilaahay maalinta qiyaamaha, waana maalin qofka caruurtiisa iyo maalkiisuba aanay anfacayn.