Tilmaamaha Macalinka Suuban
Waxaa diyaariyey:

Macalinku waa midka haya amaanada tarbiyeynta ubadka soo koraya, runtiina waa amaano culus oo u baahan qofka u soo banbaxayaa inuu yahay qof leh tilmaamaha laga doonayo qofka lagu aaminayo maskaxda iyo fikirka ubadka soo koraya. Gaar ahaan qofka baraya diinta islaamka oo doonaya inuu soo saaro jiil ilaahey kaliya caabuda wuu ka sii mas'uuliyad culus yahay midka maadada kaliya baraya, maxaa yeelay maanta waxaa badan fitnada iyo diin kasaarida iyo weliba waxyaabaha ubadka soo koraya si sahlan jidka ilaahey ooga leexinaya.

Macalinka dadka kheyrka baraya maanta waxaa lagu tilmaamaa "Qof doonaya daad soo rogmadey inuu u celiyo dhinicii uu ka yimid" taas oo macnaheedu yahay dadka intooda badan ayaa ka hor imaanaya waxa uu dadka ugu yeerayo ee kheyrka ah, taas waxaa markhaati u noqonaya hadalkii uu abuu hureyre nabiga caleyhi salaatu wasalaam ka wariyey ee uu yiri "Aniga iyo umadeydu waxaan ka dhiganahay sidii ninka dabka shitey oo kale oo markaa ay baalaleydu ku daadaneyso, aniguna guntiga ayaan idinka hayaa idinkuna waad ku daadaneysaan oo ku faro baxsaneysaan" wuxuu ku yaalaa saxiixeynka.

hadaba macalinku si muhimadaa culus si sahlan ugu guto waa in laga helaa tilmaamahan: